Inta aadan qarash iyo lacag gubin, Waa tan 4ta shey ay muhiim tahay inaa daraaseyso si muuqaalka aad sameysaneyso uu waxtar ugu yeesho ganacsigaaga
- Faham ujeedka ama hadafka
Muuqaalkasta oo ay wax kasoo noqdaan, faaido lacageed, mid magac, waxaa ka dambeeya badanaa yool cad, Tusaale ahaan waxaa lasii ogyahay Stage ka dad ee uu la hadlayo, nooca fariin ee ugudbeysa dhageystaha iyo talaabada xigta ee laga doonayo inuu qaado qofka daawadaha ah, macluumaadkaan waxaad ku ogaan kartaa adigoo isweydiya 3 suaal
> Ma waxaan rabaa inaan xoojinayaa magaca shirkada
> Ma dadka ayaan ku barayaa sida ay ushaqeeyaan alaabaheena hadii aan la fahamsaneyn
> Ma macamiil ayaa ku doonayaa oo wax isoo weydiisa ama iga iibsata - Baro dadka aad beegsanayso
Muuqaalka hadii uu mar adiga kaa tago wuxuu gaari doonaa dad badan, intee ayaad uga baahantahay dadkaas ama aad xalin kartaa baahidooda
sawiro da’ ahaan intey jiraan, nooca jeebkooda uyahay, waxa soo jiita,
ereyada ay wax ku fahmaan ama qaabka loola hadlo
hadii aad beegsanayso dhalinyaro, energyga muuqaalkaagu wuu ka duwanaan doonaa marka aad la hadlayso dad masuuliyiin ah - Si cad uqeex fariintaada
waxa ay ganacsatadu faaiido moodaan lkn dib udhac badan ukeena waa rabitaanka in wax walba la isugu geeyo hal muuqaal, caadiyan dadku ma dan la’ waxaana joogtaa waqtiga ay koobantahay diirada ibni aadanka. si uu ufahmo fariintaada
isweydii waa maxay halka shey ee ugu muhiimsan oo aan daawadayaasheyda uga tagayo? - Qorshee sidaad ubaahin laheyd
wax micno ah ma keenayo muuqaalka hadii aan la daawan, kutalagalkaaga koowaadba waxaad ku darsataa platformkeen isticmaalaya , ma facebook, instagram, tiktok , website kaaga ama application gudahiisa . taas waxay kuu bidhaamineysaa style ka uu lahaan doono muuqaalka , daqiiqadihiisa iyo formatka laga dhigi doono joog ama balac
waa talaabooyin la hubo inay sfcn kuugu shaqaynayaan
Hadii aad jeceshahay in lagu qaabeeyo oo sida ugu wanaagsan loo dhigo, Nagala soo xiriir whatsapp