Latest Insights to grow you business faster

7 Famous Logos With Hidden Meanings

Written in :

Addidas, amazon, Hyundai, LG wax badan ayaan nolol maalmeedkeena ku aragnaa loogyinkaan caanka ah
aan isweydiino ma jiraa micno ka dambeeya sumadahoda iyo midabada ay isticmaalaan oo aan anagana fikrad ka qaadan karo madama ay ku guuleysteen inay sumadooda ka gadaan dunida oo dhan

Bal aan isla fiirino qaar kamid sumadaha ugu caansan aduunka iyo micnaha ay ku fadhiyaan oo hadii aad maqasha qaarkood la cajabi doonto

  1. Hyundai ( haayandhaay or handay ): logada shirkada gawaarida ee laga leeyahay south korea , dad badan oo waxaa jira u maleeya logadan simply inay tahay Xarafka H oo laga soo qaatay magaca company lkn sida xaqiiqda ah waxay ka tarjumeysaa labo qof mid macmiil ah iyo qof shirkada ka socdo isla markaana is gacan qaadaya waana micnaha saxda ah ee ku qarsoon
  2. Adidas: logada shirkada germanyga ah ee soo saarta dharka iyo kabaha sports ugu balaaran yurub aduunka kaga jirta kaalinta labaad marka laga soo tago nike, Asal ahaan magacaan unique ga ah ee addidas wuxuu ka imaaday isu geynta magaca asaasaha shirkada adolf dassler (adoof daasiler), inkastoo companyga logadiisa wax badan la badbadaly hadana markasta waxaan ka marneen 3da xariiq ay caanka ku tahay . nooca ugu dambeeya ee hada isticmaasho 3da line markii la isku qabto waxay muujinaysa triangle ama 3 geesood taas oo ay ka wadaan buur, buurtaas oo ka tarjumeysa caqabadaha uu maraya qofka sports ka ah maalinba maalinta ka dambeysa
  3. vaio: ( Vaayo )logada shirkada computerada ee laga leeyahay dalka japan. marka aad u fiirso labada xaraf ee ugu horeeya logada vaio waxay u egtahay va oo la qurxiyay lkn micno ahaan waxay utaagantahay analog wave oo ah qaababkii hore ay computeradu u shaqeyn jiraan halka labada erey dambe ay ka tarjumayaan 10 oo ah qaabka hada ay yihiin computerada digitalka ah
    micno ahaan marka la isku soo duubo waxay noqoneysaa from analog to digital world oo ah in laga soo tagay analgo hadana la joogo dunida digitalka
  4. Amazon : logada amazon wax gaar u ah majiraan marka laga reebo falaarta yar ee orange ga ah, meesha ay ka bilaabanayso kuna dhamaaneyso ayaa ah waxa sameynaya micnaha saxda From a to z. meel laga heli karo wax walba oo kugu soo dhaca
  5. Pinterest : pinterest waa meesha ugu badan ee qofkastaa uu ka raadso sawiro qurxoon oo social mediyaha la saarto , loogadoodana waxay ku saleysantahay idea yadaas oo ah pin oo la dhex galiyay Xarafka P una taagan sawirkasto fiican wuxuu ku jiraa pinterest. Sumad fudud hadana micno badan
  6. Beats: logada shirkada american ka ah ee soo saarta qalabka wax lagu dhageysto. iconka shirkada beats marka laga tago inuu yahay xarafka b oo ku dhex jira circle hadana hadii aad si deeply ah u fiiriso waxay b daas ka dhigantahay headphone ku jira qofka madaxiisa
  7. LG: Logada shirkada electronics ka ee south korea. Qaab dhismeedka LG waa sumad laga soo minguuriyay wajiga qof, marka loo fiiriyo falsafada shirkadana u taagan xiriirka aadamiga ah ee ay rabaan inay la yeeshaan customerkooda

Ugu dambeyn adigu ma leedahay logo unique ah oo micno sax ahna ka tarjumeysa?

Need creative agency ?

Find the right type of creative if you want new brand idenity, functional website or Proven strategy to meet your marketing goals

Recommended Articles

Scroll to Top