Inkastoo social media uu yahay wax si joogta ah ukoraya hadana steps ka lagu guuleystaa badanaa waa same, Markasta waxaa jiraaya talaabooyin aadan ka gudbi karin oo ay qasab tahay inaad Raacdo nooca uu doono ha ahaado ganacsigaaga. Waxaan isla eegeynaa waa maxay steps ka ugu muhiimsan ee laga doonaya ganacsi kasta si uu natiijooyin mira dhal ah uga helo social media
Dajinta Hadaf cad
Aan ku bilowno stepka koowaad
ganacsi kasta waxaa lagama maarmaan ah inuu is waafajiyo ujeedka uu ka rabo social mediyaha iyo hadafka guud ee gaancsigiisa
isweydii maxay tahay danta iga soo galeysaa dadaalka aan ku bixinayo baraha bulshada, ma in magaceygu baahaa, ma falcelin badan inaan helaa,ma base keygu inuu kobcaa?
Tusaale hadii hadafkeygu yahay fariimo tiro badan inaa helo waxaan ku dadaalayaa wax markiiba abuuri kara falcelin badan.
Aqoonso customer kaaga
Baaritaan ku samee waa ayo sifada qof ee wax ka gadi rabto
hadii aadan aqoon nooca dad ee ka rabto macaamil ma fahmi kartid contentga ku haboon ee loogu soo jiidan karo si fudud
maxaad sameyn markaa?
ufiirso dadka aad heyso hada sidee isugu kooxeyn kartaa oo qolo kasta uga soo saari kartaa waxa ay rabaan
Talo muhiim ah oo ku aadan qodobkan, rabitaanada qofka waa wax isu badala si joogta waxaa muhiim ah inaad dib refine gareyso oo aad la socoto xogahooda
Sameyso KPIs
KPI waxaa laga soo gaabiyay key performance indicator waana waxa kaliya ee aad ku qiimeyn darto in campaign kaaga uu guuleystay iyo inkale
platformska baraah bulshada gaar ahaan facebook metrics ka ama waxyaalaha wax lagu cabiro waxaa ugu muhiimsan
REACH, CLICKS, ENGAMENT IYO LIKES AMA FOLOWERS
Competitor analysis
Qiimeyn ku samee competionkaaga oo sameyso qido kuu gaar ah
tan waxay kuu ogolaaneysaa inaad ogaato halka ay ku fiicanyihiin competitors kaaga kadibna aad ka abaarto dhinaca kale ee dahan
Tusaale hadii badanaa companyada dhigaaga ah ee ku faanaan quality xayaysiimahoodana aad ku aragto content sidaa ah Maad wax ka qabatid xaga priceka, customer serviceka iyo dhinacyada kale ee muhiimka ah
ogow at the end of the day waxa uu qof kugu so xulanayaa maaha adeega aad bixiso ee waa sida aad ubixiso
Create content and Ads
Stepkena ugu dambeeyo ee 5aad: waa sameyso contents iyo xayaysiimo oo lacag ku bixi si aad ugaarto bulsho badan
waxaadna ogaataa hadii contentgaaga sida muuqal xayaysiin oo aad sameysatay ay ka helaan dad badan algorithmka facebook isaga ayaa kula shaqaynaya oo ku gaarsiinaya meel aadan ku tagi laheyn budgetkaaga
Gaba gabadii raacida steps kaan waxay kuu fureysaa wado aad ku hormarin karto ganacsigaaga adoo adeegsanaya baraha bulshada