Latest Insights to grow you business faster

Potential Vs Target customer

Written in :

Marketing ka badanaa marka wax la sharxaayo waxaa maqasha Potential customer, target audience, leads iwm dhamaantoodna waa wax quseeya ganacsigaaga inkastoo afsoomali si sax ah ugu dhigmaya aanan heyn hadana waxaan muuqaalkan isugu dayi doonaa inaa mafhuum cad ka bixino

Hadii aad nagu cusubtahay halkaan waa Mareego sameeye logoyinka ganacsi ee unique ga ah, muuqaalada xayaysiimeed ee ugu falcelinta badan iyo maamulida akoonada ganacsi ee facebook, nagala soo xiriir whatsappka wixii maclumad dheeriya

Aan dib kuugu celiyo dugsigii sare, physics ka marka la dhiganayo Tamarta waxaa loo kala saari jiray Potential energy and kinetic energy, shey kasta iyadoo loo fiirinayo position kiisa wuxuu leeyahay tamar ku keedsan sidaas si lamid ah ayuu ganacsi kastana u leeyahay dad ukeedsan oo qabo baahida uu daboolayo ganacsigaaga kuwaasna ayaa loo yaqaanaa potential customer

Tusaale ahaan gaancsi ka jira somalia oo iibiya alaabaha la isku caateeyo?
waxaa potenitail customer u ah qofkasta oo cayslina joogana magaalo ama tuula kasto oo somalia kamid ah

Waxaa macquul ah badanaana dhacdo in business kastaaba uu leeyahay qeyraad xadidan ama dananeynayo u adeegado koox gaar ah oo ka tursan potential customer kii taas ayaa keeneyso in uu ku qasbanaado xulashada groupka uu isleeyahay waa ka faaidi kartaa waana meesha uu ka imaanayo target audience

Target audience ga waa koox uu ganacsi isleeyahy way ugu baahi badanyihiin dadkii daneynayay alaabtan waana kuwa ugu mudan ee la gaarsiin karo product ama service ka diyaar ka

Tusaale ganacsigeenii hore ee iibka waxyaabaha la isku caateeyo wuxuu target gareyn karaa dadka buur buuran ee da;doodu u dhexeyso 25 ilaa 45 jir kuwaaas oo dagan muqdisho, hargeysa iyo garowe isla markaana ah dumarka waxbartay

sidaan ayaad ugu dabaqi kartaa ganacsigaaga si aad u focus gareyso dad gaar ah oo aad daraaseyn karto baahiyaha kale ay qabi karaan si uu ganacsigaaa usii balaarto

Marka aad soo gasho saaxada xayaysiinta ee aad sameysato muuqaal kadibna social mediyaha ku xayaysiiso waxaa dhacaysa in muuqaalkii gaaro dadkii targetka kuu ahaa

Dadkaas waxay u qeyb samayaan 3 qeybood

  1. kuwa iska gudbiyo xayaysiinta marka ay daawadaan lkn magacaaga uu gaaray
  2. kuwa ka falceiya xayaysiinta tusaale inay like saaraan, daawadaan muuqaka, kula soo xiriiraan, xayaysiinta save gareystaan iwm
  3. iyo kuwa wax kaa iibsada oo kuu noqda macamiil ah sax

Section ka labaad ee ah kuwa falcelinta sameeya ayaa loo yaqaanaa leads waana dadka ugu fiican ee dib loo xiriiri karo si wax looga iibiyo markale

I hope inaad faham kugu filan ka heshay ereyadaan ayna wax badan ka badali doonaan aragtidaada marketingka

Need creative agency ?

Find the right type of creative if you want new brand idenity, functional website or Proven strategy to meet your marketing goals

Recommended Articles

Scroll to Top