Maxay shirkadaha qaar u doortaan in logadooda ganacsi ee style gaar ah yeelato?
Xiriir intee la eg ayaase ka dhaxeeyo strateygyada suuqgeyn ee shirkada iyo sida ay muuqato logadeeda?
Muuqaalkeena maanta waxaan iskula arki doonaa stylada kala duwan ee loogooyinka ee midkasta xiliga ay haboontahay in la isticmaalo
Lettermark
Waxaan ku bilaabaynaa nooca koowaad ee loo yaqaano letter mark, loogyinkan waxaa sameysta shirkadaha magacooda uu ka koobanyahay ilaa iyo 3 erey iyada oo laga baqaayo in ay dadku haleeli waayaan xasuusta magacaas waxaa lasoo qaataa xarfaha hore ee erey kasta oo ku jira brand nameka shirkada
tusaalooyinka ugu caansan ee letter mark logo waa kamid NASA, LG iyo IBM
Wordmark
Nooca labaad waxaa loo yaqaan wordmark: markiiba waxaa kugu soo dhacaayo GOOGLE, EBAY iyo VISA. Lkn inta aadan fiirinin xajmiga companiyaadan xiligee ayay haboontahay inaad isticmaasho word mark,
- Waa marka ganacsigaagu uu cusubyahay
- Brand name kaagu yahay mid ka kooban hal erey
- ama aad heysato magac sifudud loo xasuusan karo oo aanay customerku iloobeen
Pictorial style
Badanaa loogooyinkaan waxaa adeegsado shirkadaha waaweyn ee multi national ah waa sumad kaliya oo aan raacsaneen wax qoraal ah oo luqad gaar ah ku qoran waxaa lagu naaneesaa universal logos Tusaaloyinkoda waxaa kamid ah INSTAGRAM, TWITTER, APPLE
Markana waa nooca 4aad ee combination logo mark oo ah wadarta pictorial iyo word mark, iyadoo ay ku xerantahay hadba designka logada mar waxaa loo sameeyaa is dulsaar, markalena is dhinac dhig
combination mark waxaa la dhahaa iyada ayaa ka dabacsan noocii hore ee pictorial madama ay ka koobantahay calaamad iyo magac wada socdo
waxay ku haboontahay ganacsiyada magacoodu uusan koobneen hadana aanan rabin in calaamad kaliya ee ka dhigaan sumadooda ganacsi
nooca 5daan ee u dambeeyo waa emblem logo, waxaa ugu caansan hardvard university badanaa, waxay u muuqdaan kuwa tradional ah oo laga tagay balse dhankale waa loogyin muujiya awood dadkuna ay ka heebeystaan
waxaa isticmaala hay’adaha dowliga, kooxaha sida sportga
Gabagabdii hadii markaaga hore aad iska xula jirtay styleka logadaada
raacsii hada kadib qidadaan oo dooro style ku haboon nooca ganacsigaaga
Anaga ayaana kaala talin qaab ay kusoo bixi karto sumadada ganacsi